Latest news

<meta name="google-adsense-account" content="ca-pub-5183656319226469">
  • in Alkali dad ku weeraray oo weli la raadinayo

        Nin Kiimiko dad ku weeraray oo weli la raadinayo

    Abdul Shokoor Ezedi, oo ah muhaajir reer Af-ganistaan ah ayaa ah misna ah nin hore u geystay dambiyo dhinaca jinsiga la xiriira, ayaa ciidanka boolisku ku timlmaameen in uuyahay mid khatar ku ah aminiga shacabka.

    Abdul Shokoor Ezedi ayaa Uk ku yimi gaari nooca xamuulka qaada ah, sanandkii 2016-kii, waxaana codsigiisa magangalyo doonista ah la akhbalay, sanadkii 2020, ka dib markii sadexaad ee uu codsaday.

    Ezedi ayaa la rumeysan yahay, in uu tan iyo xiligaas ku noolaa New Castle, imnka oo uu 35 jir yahayna waxaa lagu xukumay sagaal todobaad oo xabsi ah, taasoo laga soo gaabiyey 2 sanno oo xabsi ah, ka dib markii isu qaawiyey, goobo dadka ka dhaxeeya, sidaasna loogu helay in uu galay, dambi la xiriira dhinaca jinsiga.

    Shalay ayuu si lama filaan ah dhowr qof wajiga uga sayriyey kiimiko nooca Alkali, sidaasna dadkii waxeey ku jiraan isbitaalo, oo lagu daweynayaa.

    In kastoo boolisku sheegeen in ay xog dheeri ah heleen hadana, weli weey baadi-goobayaan, waxeyna ku baaqeen in uu iskiis isu soo dhiibo.